Madaxweyne FARMAAJO: Waxaa la ii ballan qaaday dib u doorashadeyda, haddii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta khudbad ka jeediyey xuska maalinta ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee 12-ka April ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasabadda ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab, isaga oo ku faanay in dowladiisu ay xoog gelisay tayada ciidanka iyo inay helaan mushaaraadkooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday ka hadalka wadaniyadda iyo qabiilka, wuxuuna tilmaamay in nidaamkiisu bilaabay wadaniyad dhab ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadaba markii la’ii doortay waxaan ku imid nidaam la yiraah isbedal doon, ma aheyn inaan shaqsi bedalo ama qof beddalo. Isbedal doonku waxa uu ahaa inaan dib u milicsano wixii Aabeyaasheen ay ku shaqeeyeen oo ay ku keeneen xorriyad ay ku keeneen ciidan xoog leh, taas oo ah inaan dib ugu noqdo ama aan kala doorto wixii 30 sano inan dhibaateeyey ee Qabiilahaa oo siyaasaddeenana qayb ka ah,” ayuu yiro Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Isbedalkeeno ma aheyn shaqsi bedal, laakiin wuxuu ahaa nidaam bedal, nidaamkaas oo ah inaan billowno waddaniyadda oo si dhab ah oo daacad ah ay naga tahay,”

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii ay dowladdiisu la gashay Kenya, gaar ahaan kiiska Badda ee ay Soomaaliya ka gaartay guusha, Farmaajo ayaana xusay in culeys siyaasadeed iyo mid dhaqaale la saaray, xittaa loo sheegay in lagala shaqeynayo dib u doorashadiisa, haddii uu ka laabto dacwadda badda, balse uu taasi ka biyo diiday.

“Si aan badda uga noqo waxaa lay saaray culeys dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo xittaa ah in meelo lasoo marsiiyey in Election-ka la’igala shaqeynaayo, si aan usoo noqdo, waana diiday,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Hadalkan ayey dad badan u arkaan mid olole ah oo Farmaajo doonayo inuu kula shar tego doorashada soo socota ee loogu jiro loolanka culus, maadaama si weyn la’isugu hayo.