Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali gaas ayaa si cad u sheegay ineysan saxiixan hishiiska 4.5 oo kaliya balse ay saxiixeen hishiis dhigaya inaan markale dalka Soomaaliya lagu soo celin nidaamkaasi.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in hishiiskii lagu kala saxiixay magaalada Garowe ay goobjoog ka ahaayeen beesha caalamka, isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay wasirika arimaha dibada Ethiopia.
Lama yaqaan waxyaabaha keenay in xubnaha beesha caalamka ee ku sugnaa shirka ka sokow inuu si gaar ah ugu mahad celiyo Tedros Adhanam, balse wuxuu sheegay Gaas inuu door weyn ciyaaray Tedros.
Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkii magaalada Garowe uu leeyahay dad damaanad qaadaya haddii 2020 dib loosoo celiyaa nidaamka 4.5, wuxuuna kala jeeday Cumar C/rashiid iyo beesha caalamka.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in nidaamka 4.5 lagu badalayo sanadka 2020 doorashada dhaceyso cod iyo qof, sida hishiiska uu dhigayo.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

