Gaas oo dadka reer Puntland u diray Fariin dad badan ka yaabisay (Aqri)

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadka reer Puntland iyo dadka soo booqday isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa ku wargaliyay in ay dhammaatay arrintaas oo hadda wixii ka dambeeya ay billaabatay in ay shaqeeyaan.

Wuxuu sheegay ciddii rabta in ay wax uga baahdaan xukuumadiisa in ay tagaan wasaaradaha, haddii ay ahaan lahaayeen dhaqaale, caafimaad, waxbarasho iyo wixii la mid ah.

IMG_0612-740x493

“Waxaan rabnaa in fursad na loo siiyo inaan dadka u shaqeyno oo wakhtiga aana looga qaadin booqasho iyo qaabilaad, wasaaradihii wa shaqo bilaabeen qofkii dan dowladdeed leh waa inuu aado xafiisyada ay khuseyso,haddii iyo anniga madaxweyne ku xigeenkeyga naloo baahdno maalinta Khamiista ayaan dadka lakulmi doonaa wakhti kooban” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay shirka golaha wasiirada oo uu shir guddoominaayay, wuxuuna caddeeyay inay ka wada hadleen wasiiradu siddii loola imaan lahaa wax qabad iyo horrumar ay ku diirsadaan dadka reer Puntalnd.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com