Yaa u diray Kismaayo Iftiin Baasto iyo Cabdi Baaleey + Qorshaha Hiiraale?

Kismaayo (Caasimada Online) Ilo Wareedyo lagu kal soon yahay ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online,in dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaalada Kismaayo labo ka mid ah raggii madaxweynaha la sheegtay Axmed Madoobe, kuwaasoo maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo.

Warku wuxuu sheegayaa in Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen loogu diray magaalada Kismaayo siddii ay halkaas uga billaabi lahaayeen isku soo dhaweynta Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo labaduba ku dagaallamay magaalada dekedda leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aragtay labadan nin, in ay xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Barre Hiraale, isla markaana ay isku keeni karaan Axmed Madoobe iyo Barre oo magaalada laga saaray.

Iftiin iyo Cabdi Baaleey ayaa tan iyo markii ay tageen Kismaayo waxa ay kulamo la qaateen hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba iyo mas’uuliyiin ka tirsan maalmulkiisa, waxaana kulamadaas looga hadlay siddii la isku soo hor fadhiisan lahaa Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Marka ay kulamada dhammaadaan waxaa la filayaa in labada nin ay u tagaan Barre Hiiraale oo ku sugan deeganka Goobweyn oo u dhow magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ku heesto maleeshiyaad iyo hub.

Dhinaca kale, Barre Hiiraale oo ay warbaahinta ay wax ka weydiisay in uu jirro qorshe lagu dhex dhexaadinaayo isaga iyo Axmed Madoobe si loo keen Kismaayo ayaa ka gaabsaday balse wuxuu xaqiijiyay in labo nin oo ay isku xulufo yihiin ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ilaa hadda kama hadlin qorshaha ay u tageen Kismaayo Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com