Guuleed oo cadeeyay mowqifkiisa arrinta taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFS Soomaliya ay Gudbiyeen Mooshin ka Dhan ah Madaxweynaha DFS Ayaa waxaa arintaasi waxaa ka hadlay madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled Oo Ka Hadlayay Munaasad Lagu Qabtay Dagmada Cadaado,

Madaxweynaha ayaa shegay in ka Maamul ahaan ay ka xunxunyihiin mooshinka la sheegay in laga keenay madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana uu tilmamay in xilligaan an loo baahneyn khilaaf cusub oo ragaadiya habsami u socodka howlaha dowladda.

”Xilligaani Ma Haboona Mooshinka Laga Gudbiyay Madaxweynaha ee Si Wada Jir ah Howsha Qaranka aan u wada qabano””ayuu yiri madaxweynaha Galmudug

Guuleed Oo sii Hadlayay ayaa waxaa mudanayaasha baarlamanka ka dalbaday iney joojiyaan mooshin keeni kara khilaaf iyo dib u dhac, isagoo xusay in muddadii dowladda ay ka harsantahay muddo kooban.

Dhanka kale madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay doorashadala filayo in beri ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose laguna soo dooranayo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dib loo dhigo doorashadaasi lana qanci dhamaan beelaha dacwada ka gudbiyay madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com