Dowladda Ethiopia oo soo saartay war cusub oo ku saabsan isbeddelada siyaasadeed ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Tedros Adhanom oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, ayaa ka hadlay isbedelada Somalia ka jira gaar ahaan dhinacyada Siyaasada, Amaanka iyo kobaca dhaqaale.

Wasiirka waxa uu sheegay in Dowladiisu ay si wanaagsan usoo dhaweyneyso Isbedelada mudada faraha badnaa ku xirnaa helida amni ay ku shaqeyn karto Dowlada iminkana uu muuqanaayo dadaalkii ay Somalia ku taami jirtay.

Mr Tedros Adhanom, ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir sannadeedka Safaaradaha iyo Diplomaasiyiinta Ethiopia ku leeyihiin Caalamka oo lagu qabtay Hoteelka Ghion ee magaalladda Addis Abeba, waxa uuna si aad ah ugu dheeraaday Somalia oo uu ku sifeeyay dal waaga iminka uu u bidhaamay dadkiisuna ay Nabada u baahan yihiin.

Amaanka ka jira Somalia ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay Shirweynihii 53-aad ee Golaha Wasiiradda ee Dowladaha ku jira Urur-gobaleedka IGAD ee lagu qabtay magaalladda Muqdisho waxa uuna taasi ku sheegay mid muujineysa tilaabooyinka ay horay usii qaadeyso Dowlada Somalia.

Waxa uu sheegay in Labadii sano ee ugu danbeysay Somalia ay la soo baxday Siyaasad iyo Ammaan ifafaalo u ah in Somalia ay kasii gudbeyso xaalada iminka taagan.

Waxa uu intaasi ku daray in uu Shirka Wasiiradda ee IGAD tilmaan u tahay caddaynta xaalladda Somalia, iyo inay Somalia u furan tahay Ganacsiga Caalamka.

Dhanka kale Dr. Tedros Adhanom waxa kaloo uu soo hadal qaaday Heshiiskii ay Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka KMG ee Jubbaland ku saxiixdeen magaalladda Addis Abeba, wuxuuna xusay inuu dadaalkaasi yahay dhabaha saxda ee Dhismaha Nidaamka Maamul gobaleedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com