Beesha caalamka oo madaxweyne Xasan Sheikh siisay digniin xoogan oo ku saabsan mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaray Xarunta beesha caalamka ee Xalane ayaa sheegaya in shalay uu shir albaabada u xiran yahay uu halkaa ku dhex maray Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee uu waqtigiisa sii dhammaanayo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Raiisul wasaarahiisa Cumar Cabdirashid.

Kulankaa oo qaatay muddo ka badan seddex saacadood ayaa waxaa diiradda lagu saaray mooshinka ay shalay hordhigeen xildhibaanada Baarlamaanka guddoonka kaasoo ka dhan ah madaxweynaha oo aay ku eedeeyeen musuq-maasuq iyo ku tagri fal awoodeed.

Safiirka Mareykanka ayaa ku adkeeyay in Madaxda Soomaaliya ay ka fogaadaan wax walbo oo keeni karo xasilooni darro siyaasadeed iyo in musuq maasuq lagu xalliyo iska hor imaadyada siyaasadeed, taasoo ay ula jeedaan in aanan laaluush lagu xalin laguna furfurin mooshnka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwyne Xasan ayaa weji gabax iyo niyad jab kala soo noqday shirka uu la yeeshay xubnaha Mareykanka.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta Mareykanka ee jooga Nairobi oo ay Caasimada Online kula xiriirta email, ayaa ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo mowqifka Mareykanka ee ku aadan mooshinka iyo sida ay u arkaan.

Waxaa kale oo aan la xiriirnay Xafiiska Madaxweynaha oo aan wax ka weydiinay sida aay u arkaan mooshinka xildhibaanada ee ka dhanka ah madaxweynaha. Mid ka mid ah saraakiisha xafiiska madaxweynaha ayaa inoo sheegay in uu madaxweynaha wada tashiyo uu la lee yahay qareenadiisa oo aanu xilligan ka hor dhici karin mooshinka iyo sidii loo wajihi lahaa.

Mooshinakan oo ka duwan kuwii hore ayaa u eg mid u geysan doono madaxweynaha dhaawac siyaasadeed oo weyn, kaasoo ay adag tahay in haddii uu xitaa ka fakado mooshinka ay dhammatay hamigiisii ahaa in markale dib loo doorto doorashada sanadka dambe ee 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com