XILDHIBAAN shaaca ka qaaday SIR ku saabsan ajaanib qeyb ka ah mooshinka XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la saftay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay mooshin ka keenen.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan Ganeey, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa la saftay madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna shari daro ku tilmaamay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu hayo xog ku aadan in mooshinkaasi ay wadaan rag ajaaniib ah oo doonaya in dib u dhac kale uu ku yimaado ummada Soomaaliyeed, lana donayo in la isku diro xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Mooshinka hadda socda waa mid la doonayo in baarlamaanka lagu kala qeybiyo oo ajaaniib ay wadaan, waxaan leeyahay yaan la isku dirin xildhibaanada baarlamaanka, horumar badan ayaa seddexdii sano ee lasoo dhaafay la gaaray, waxaan leyahay yaan xildhibaanada la mashquulin ileen meel mooshin la isaga keeno lama joogo”ayuu yiri Xildhibaanka.

Inka badan 100 xildhibaan ayaa markaan mooshin ka kooban sagaal bog ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo eeda ugu badan ee loo heysto ay tahay ku takri falka dhaqaalaha ummada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com