Xog cusub: Xassan Sheekh iyo CC oo damacsan qorshe cusub oo lagu hakinayo MOOSHINKA BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar ay damacsan yihiin in Xukuumada ay isku shaandheeyn ku sameeyan ka hor inta uusan Xassan hortagin BF.

Xogtu waxa ay tilmaameysaa in labadaasi Mas’uul ay isla garteen inay soo dadajiyaan isku shaandheynta si qaar kamid ah Mooshin wadayaasha loogu qanciyo kamid ahaanshiyaha Xukuumada cusub.

Jadwalkii u degsanaa Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid ayaa durbadiiba isbedelay, waxaana la soo warinayaa in Mas’uuliyiintii ay u qorsheeyen Xukuumada Cusub ay dib ugala laabteen, si shaqsiyaadka iminka horboodaayo Mooshinka ay isaga dhex arkaan Xukuumada, halka kuwa soo harayna ay si gaar ah isku fahmi doonaan Madaxweynaha.

Qorshahaani ayaa dhashay kadib markii inkabadan 130 Xildhibaan ay saxiixeen go’an ah inay kalsoonida kala laabtaan Madaxweyne Xassan oo ay u aqoonsadeen in dalka uu dib ugu celshay halkii uu taagnaa dhowr sano ka hor.

Qorshaha isku shaandheynta looga soo hormarinaayo hortagida Xassan Sheekh BF, ayaa waxaa wato Ra’isul wasaare Cumar, waxa uuna Siyaasadaasi ka damacsan yahay si uu ugu sii raago xilkaasi.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan oo walaac ka qaba Mooshinka laga gudbiyay, ayaa sheegay in BF Somalia uu saran yahay waajib dastuuri ah oo hawlaha qaranka lagu taageerayo, xukuumaduna ay taasi ku xishmeyneyso, isla markaana ay haboon tahay in waajibaadkaasi aanu noqon mid lagu carqaladeynayo hawlaha ballaaran ee horyaalla dalka iyo dadaalka dib u soo kabashada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com