Xog iyo Gorfeyn: Xassan Sheekh maka badbaadi doonaa boholaha ay u qodeen Xildhibaanada?

Muqdisho (Caasimada Online)-Xulafaysi Xildhibaano, Aragtiyo Qarsoon, Isbaaro Shaqsiyadeed, min Beel iyo Isbahaysi iyo Eedeymo Siyaasadeed ayaa waxaa laga dareemayaa nuxurka Mooshinka cusub ee la sheegay inay 91 Xildhibaan saxiixeen, una gudbiyeen Xoghayaha Barlamaanka Federalka.

Xildhibaanadda waxay ku eedeynayaan Madaxweynaha inuu ku tumanayo Dastuurka, iyo inay Madaxtooyada ka gaabinayaan inay Ciiddanka siiyaan xuquuqdooda.

Xildhibaanadaasi ayaa la rumeysan yahay inay abaareen Jiho aan sax ahayn, waayo Guddiyadda Difaaca iyo Maliyadda ee BFS ayaa ka mas’uul ah inay raadraac hufan ku sameeyaan eedeymahaasi oo u muuqda arrimo Farsamo, haddaan la siyaasad-xumaynaynin.

Ma aha Nidaam Dowladnimo in Mas’uuliyiinta ka tirsan Golayaasha Dowladda u arkaan garawshiyo inay eedeymaha isku dhaafsadaan Saxaafadda, iyadoo ay Mas’uuliyiinta wax gocanayo fursado u heli karaan inay qaab hoose isku xog wareystaan si loo saxo Khilaafyadda iyo qaladaadyadda ka muuqda Nidaamka Dowladnimo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan dhacdooyin siyaasadeed oo ay Xildhibaanadda ka gaagaxsan yihiin, iyagoo u arkay Mooshinka qalab-dagaal oo ay ku gorgotami karaan, si ay u heleen cadka siyaasadeed ee ay ku awr-kacsanayaan.

Mashruuca Mooshinadda ee caynba caynka ah ayaa waxaa soo iqtiraaca Xildhibaanadda saluugga dahsoon muujinaya, waxaana laga markhaati yahay inay Xildhibaanaddii sannadkii hore soo bandhigay Mooshinkii Koowaad ee ka dhanka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ololahoodii shiiqmay, kana laabteen Qorshihii Mooshinka.

Mashruuca Mooshinnadda ee marba la soo hindisayo ayaa laga dheehan karaa inay weli jiraan Mas’uuliyiin caqabad ku ah Hannaanka Dowladnimo, isla markaana ay u muuqdaan kuwo ku gorgortamayo Mooshinadda oo hadba Mas’uul lagala dul-dhacayo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan gacmo kale oo qarsoon, oo iyagu soo abaabulayo Jahwareerka Siyaasadda, xilli ay Dowladda Federalka horumar ka samaynayso Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, inkastoo lagu fashilmay Doorashadda Madaxtinimadda ee sannadka soo socda oo asaas muhiim u ah Hiigsiga cusub ee Somalia.

Waa hubaal in Madaxweynuhu yeelan karo Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Hoggaamintiisa, waana Nidaam Dimuqraadi in la dhaliilo, isla markaana farta lagu godo Hoggaamintiisa, waxaana la gudboon inuu Khibrad ka kororsado Dhaliilaha loo soo jeedinayo, si uu isku turxaan bixiyo dhaliilaha siyaasadeed ee loo soo jeediyo.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanadda haatan soo bandhigay Mooshinka waxay u badan yihiin Xildhibaanadii hor boodi jiray Mooshinkii Koowaad, kuwaasi oo laga markhaati yahay inay Aragtidooda beddeleen, kadib, markii ay shirar Siyaasadeed oo Isfaham keenay la galeen Madaxtooyadda.

Markaynu isku soo duubno, waxaa isweydiin mudan Mooshinka Xildhibaanadda ee ka dhanka Madaxweynaha Dowladda Federalka Ma Gar-siyaaasdeed baa mise Xujo-siyaasadeed ?

W/Q: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com