Ethiopia iyo Axmed Madoobe oo musaafurinaya siyaasiyiinta reer Gedo ee xabsiga ugu jira (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo Dowlada Itoobiya ay ku heshiiyeen in gobolkaasi Gedo laga masaafuriyo Hogaamiyihii DF ee gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta qalinka lagu duugay in la soo musaafuriyo ayaa waxaa kaloo kamid ah Gudoomiyihii gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan, Cabdi Barre Cabdi iyo gudoomiyihii Ahlu Sunna Waljamaaca ee Koofurta Soomaaliya Aw-Libaax oo lagu amray in si deg deg ah kaga baxaan gobolka Gedo.

Masaafurinta Masuuliyiintaas ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan Maamulka KMG ah ee Jubba uu xil ka qaadis ku sameeyay inta badan Mas’uuliyiintii Maamulka Gobolka Gedo islamarkaana ay qaadaceen xubnaha xilalka laga xayuubiyay.

Cabdirashiid Macallin Gaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka DF ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howl galka AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Maamulka KMG ah ee Jubbaland ay billaabeen in ay si qasab ah Magaalada uga soo masaafuriyaan qaar ka mid ah Masuuliyiin ka tirsan Maamulka dowladda ee Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa ku guuleystay in Siyaasiyiintan uu isugu keeno magaalada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana heshiis la gaaray kadib uu sheegay in heshiiskaas uusan jirin loona baahan yahay in saraakiishan ay si deg deg ah gobolka Gedo kaga baxaan.

Dhanka kale, DF Somalia, ayaa weli ka aamusan ficilada ay ku kaceen Ciidamada Ethiopia iyo Maamulka KMG Jubba, waxa ayna aamusnaantaasi muujineysaa in Madaxda Qaranka ay ka raali yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com