Fallanqeyn: Mooshinka Xasan Sheikh iyo xogta Caasimada Online ee sida xaalku ku dambeyn.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeed ee Dalka oo haatan mareysa meel aad u sarreysa, ayaa waxaa noo suurto gashay in aan wax ka weydiino ifafaalaha aay yeelan karto, iyo halka loo badinaayo in aay kusoo afjarato xiisaddan.

Waa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya tan you markii waddan uu xorriyadiisa helay bishii July 1, 1960 in laga keeno mooshin kalsoonida loogala noqonayo Madaxweyne.

Haddaba sidee bey wax noqonkaraan marka laga eego dhanka sharciga iyo haddii aay noqon lahayd in wax lagu xalliyo dhanka siyaasadda.

Maadaama aay mooshinka saxiixeen in kabada 94 mudane oo ah tirada ugu yar ee laga rabo in aay mooshin ka dhigaan madaxweynaha, ayaa waxaa sharci ah in uu hoggaanka baarlabaank uu qabto mooshinkaas, tan labaad oo la sugaayo ayaa ah in uu hoggaanka baarlabaanka uu haysto muddo shan maalmood ah oo uu ku soo aqristo mooshinka kaddibna dib loogu soo celiyo mudanayaasha baarlabaanka si aay u bilaabaan in laga doodo mooshinka. Marka aay dhameystaan dooda, ayuu madaxweynaha oo is difaacayo waxa uu xaq u leeyahay in wakiisho qareeno difaaca dhanka sharciga. Kaddib marka aay dhammaato dooda ayaa waxa laga rabaa in cod loo qaado mooshinka.

Haddii natiijada cod qaadista la helo in ka badan 184 mudan oo u codeeyay in kalsoonida aay kala laabtaan madaxweynaha. Waxaa aay natiijada baarlabaanku noqoneysaa in Madaxweynaha uu dhaco; laakiin ma noqoneyso sharci ilaa aay maxkamadda sare loo gudbiyo oo maxkamadda aay fiiriso sharciyada loo isticmaalay mooshinka, kagadaalna aay go’aamiso in Madaxweynaha rididiisu aay tahay sharci, ama sharci darro.

Gudbinta Mooshinka kaddib – Maxaa dhacay

Madaxweynaha JFS ayaa qabtay shir jaraa’id oo kaga hadlay xaaladda waddanka iyo mooshinka laga keenay, shirkan jaraa’id oo ahaa mid uusan madaxweynaha aad uga fiirsan ayaa u eg in uu ahaa jir jaraa’id oo sii laba laabay caradii xubnaha baarlabaanka iyo shacabka, waayo waxa uu madaxweynuhu toos u aflagaadeeyay sumcadda iyo sharafta xildhibaanada isaga oo aan cidna magacaabin. Tan ayaa sii hurineysa dabka siyaasadeed hadda holcaya. Waxaa intaa dheer oo ka mid ahaa hadaladii madaxweynaha, wax qabadka dowladda taasoo uu sheegay in dib loo furay JAAMACADDII UMMADA oo aay hadda bilaash ku dhigtaan arday Soomaaliyeed. Taasoo fila waa ku noqotay dad badan ayaa markey caasimada online dabagal ku sameysay aan soo ogaanay in aanay jirin JAAMACAD UMMADDA oo xiligaan furan oo shaqeysa.

Caasimada Online oo khadka telephonka kula xiriirta xildhibaan Cabdirahman Xoosh Jibriil waxa uu yiri “Madaxweynaha waa ogyahay in baarlabaanku uu ku hayo wax cad oo markhaati ma doonta ah. Waxba yuusan caytamin ee sharciga ha horyimaado hana isku difaaco oo ummaddaan uu hoggaanka u hayo haku qanciyo sharciga hortiisa.

Waxaa kale oo Caasimada Online aay telephon kula xiriirtay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi “Fadheeye” Kaa soo noo sheegay in shirkii jaraa’id ee shalay uu qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh uu si toos ugu gafay una aflagaadeeyay Xildhibaanada sharafta iyo xasaaniyaddaba leh, waxa aanan uga fadhinaa madaxweynaha in hadalkiisii gafka ahaa uu ka bixiyo raalli gelin sida ugu dhaqsaha badan”

Waxaa kale oo Caasimada online aay telephon kula xiriirtay sarkaal kamid ah qeybta saxaafadda ee madaxtooyada oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego. Sarkaalka ayaa noo sheegay “Madaxweynaha iyo Lataliyaashiisaba nooma sheegin mana nala wadaagin shirkii jaraa’d ee shalay lagu qabtay madaxtooyada”

Dhammaan aaladaha isgaarsiinta ee ka howlgala Muqdisho oo iyagana bilaabay in aay soo tebiyaan fikirka aay shacabka ka qabaan mooshinkan kalsoonida loogala noqonaayo Madaxweynaha JFS taasoo aay haweenka Soomaaliyeed ku cabireen fekerkooda Halkan ka dhegeyso mid ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo cabireysa fekerkeeda ku aadan Mooshinka, si toos ahna ugula dardaarmeyso Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com