Shacabka oo taageeray mooshinka Xasan Sheikh

Caasimada Online (Muqdisho) – Iyadoo aay xiisada siyaasadeed cirka isku shareertay ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa aay kheylo dhaan u dirayaan in Baarlabaanka Soomaaliyeed aay waddanka ka badbaadiyaan madaxdan isku bahaystay in aay dhacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hooyo ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in “Ardaydii aay dhibaateysan yihiin oo dhaqaale xumo darteed jaamacadihii iyo iskuuladii laga soo eryay” Waxaa aay shacabka Soomaaliyeed aad u dhaliilayaan hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa oo uu horjooge u yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid. icon1Halkan Ka Dhageyso

Waxaa iyana mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed aay tiri “Mooshinka aay wadaan xildhibaanada in aay ilaahey ka baqaan oo aanay lacag ku bedilin mooshinka hor yaal” Waxaa kale oo xustay in “Ciidamadii iyo shaqaalihii u shaqeynaayay qarankooda aanan mushaar la siineyn. Muxuu ilaalin karaa askari subuxii ka soo tagaayo carruurtiisii oo baahan? ayey tiri” icon1Halkan Ka Dhageyso

Haddaba, muxuu noqon doono xaalka waddanka iyadoo la soo gaaray xilligii kala guurka ahaa oo leysku diyaaran lahaa in aay waddanka doorasho ka dhacdo sanadka danbe 2016.

Mid ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa isagana ku baaqay in mudada dhiman lasoo doorto hoggaan cusub iyo madaxweyne cusub oo waddanka u diyaariya doorasho xalaal ah. Waan aragnay buu yiri, in Xasan Sheekh uusan wax dan ah ka laheyn dhibaatada shacabka haysata haddeey noqon lahayd, mid dhaqaale iyo nabad gelyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com