Aqri: Hoggaamiye kale oo African ah oo ka badbaaday qarax lagu khaarijin rabay

Qarax ayaa laga maqlay goob uu ka socday isu soo bax olole doorasho ah oo uu ka qeyb galayay Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa magaalada Bulawayo.

Warbaahinta ayaa soo tabineysa in Madaxweynaha aanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxa, isla markaana si degdeg ah looga saaray garoonka White City Stadium oo uu ka socday isu soo baxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow meeshii uu taagnaa Madaxweynaha Zimbabwe, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin.

“Madaxwayne Mnangagwa lama dhaawicin waxaa uu ku sugan yahay  Aqalka Madaxtooyada Bulawayo,” afhayeenka madaxweyne George Charamba ayaa wargeyska u sheegay.

“Baaritaannada ayaa socda oo faahfaahin dheeraad ah ayaa la siin doonaa dadweynaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mnangagwa ayaa talada dalka la wareegay bishii November ee sanadkii hore, kaddib xukunka ka degay Robert Mugabe oo muddo soo xukumayay dalkaas

30-ka bisha July ayaa la filayaa inay ka dhacdo Zimbabwe doorasho, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo aanu Mugabe xukunka aheyn tan iyo 1980-kii markii madax banaanida uu qaatay dalkaas.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo xilli saacado ka hor la qarxiyey barxad uu ka khudbeenayey Ra’isulwasaaraha Itoobiya, iyadoo wararka laga helayo Adis Ababa ay sheegayaan inay dhinteen ilaa 4 qof halka in ka badan 100 kale ay ku dhaawacmeyn.