War ka cusub xaaladda caafimaad ee gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maalmihii dambe ku jiray xaalad Caafimaad oo aan wanaagsaneyn ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda sidii hore ka fiican yahay.

Gudodomiye Cabdi Xaashi ayaa dhawr jeer oo xiriir ah debadda ugu baxay arrimo caafimaad kadib markii ay lasoo daristay caafimaad darro iyo xanuun joogto ah.

Xaaladda Caafimaad ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo hagaageysa sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online.

Xildhibaanadaas ayaa xaqiijiyey in  Xaaladdiisa Caafimaad ay hadda wanaagsan tahay,islamarkaana dhawaan uu dalka dib ugu soo laaban doono.

Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan Guddoomiyaha aqalka sare  u diideen inuu ciidamadiisa iyo gawaarida la galo gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana arrintaas ka dhashay muran aad u weyn kaasoo ugu dambeyn keenay inay soo kala dhex galaan ciidamada Booliska ee saldhigga ku leh garoonka diyaaradaha.

Ciidamada AMISOM ayaa ku dooday inaysan heysan fasax ku aadan in Guddoomiyaha aqalka sare uu garoonka la geli karo ilaalo, waxayna sheegeen inay kaliya fasax u heystaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Soomaalya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com