Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay Itoobiya iyo khasaaraha + Sawirro

Ugu yaraan 4 qof oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhimatay, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen ka dib qarax lala eegtay dibad bax uu ka Khudbeynayay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ee caasimadda Adis.

Wararka Qaraxa kasoo baxayo ayaa ah kuwa is khilaafsan, Ra’iisal wasaaraha Abiy Ahmed ayaa TV-ga dalkaasi ka sheegay qaraxa kadib in dhowr qof ay ku dhinteen, laakiin madaxa xafiiska Ra’iisal wasaaraha Fitsum Arega ayaa sheegay inaysan jirin cid ku dhimatay qaraxa balse ay jiraan dhaawacyo gaaraya 83 oo 6 ka mida ay xaaladoodu liidato.

Warbaahinta kale ee Itoobiya ayaa hore u shaaciyey in 4 qof ay ku dhimatay qaraxa dad ku dhow 100 ay ku dhaawacmeen, iyadoo 16 ka mida ay xaaladoodu halis tahay, waxaana weli taagan jahawareer ka taagan qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka.

Wararka is-khilaafsan ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xafiiskiisa ayaa muujinaya inay xaaladu ay tahay mid isku qasan, kadib weerar uu Abiy Ahmed ku tilmaamay mid si weyn loo soo qorsheeyay.

Abiy Waxaa uu cambaareeyay dhacdadaan isagoo ku tilmaamay mid Fulinnimo ah oo lagu waxyeeleynayo nabadda iyo midnimada dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha ayaan sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen “Dad kasoo horjeeda midnimada daka Ethiopia”

Hadalkiisa ayaa loo fasirtay in qarax ay ku lug leeyihiin dad dhowaanahan kacdoon ka waday dalka Ethiopia, taasi oo magacaabistiisa sabab u ahayd.

“Jaceylka ayaa mar walba guuleysta, dilka dadka kale waa guul-darro. Kuwa isku dayaya inay na kala qeybiyaan, waxaan doonayaa inaan u sheego, ma guuleysan doontaan” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Qaraxa ayaa dhacay xilli Abiy uu u Khudbeynayay taageereyaashiisa waxaana goobta kala cararay ciidamada ammaanka.