‘Madaxweyne kasta oo soo mara SOMALIA waxbuu na tusaa, kadibna weji cusub’

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), ayaa tilmaamay in Madaxweyne kasta oo Somaliya soo maraa inuu weji fiican tuso Somaliland, marka uu Kursiga ku fadhiistana uu nacayb u muujiyo.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka ka furmay Ceel-afweyn, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliya marka ay wax ka dhacaan, bay naxdinta ina soo eegaan, inta kale inama soo xasuustaane, inaguna mar kasta weynu u ducayn jirnay, colaada Dawladda Xamar inoo haysana maaha wax imika inagu cusub, waa wax waligeedba soo jiray, Madaxweyne kasta oo Xamar soo mara marka hore wax buu ina tusaa, marka uu kursiga ku fadhistana nacayb buu inoo muujiyaa, laakiin awalba waxba inamay jeeli jirin, imikana waxba inama yeelayaan, teena ayey noqonaysaa oo loo soo noqonayaa, Madaxda Xamarna waxaan leeyahay aynu ahaano laba dal oo jaar ah”.

Wasiirkii hore ee Qorsheyntu mar uu ka hadlaayey Shirkan ka furmay Ceel-afweyn ayaa yidhi “Shirkan looma kala hadhin,Culimadii dalka, Salaadiintii kala duwanayd ee dalka, Madaxweyne ku xigeenkii iyo Siyaasiyiintii ugu cuslaa ee dalka ayaa ka qayb galay, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa in khilaaf dambe iyo dagaal dambe aanu dhexmarin, labadan beelood ee walaalaha ah, waxaana labada beelood ee leeyahay waad aragtaan culayska iyo lexe-jeclada la idinka qabo, oo aanay cidina hadhin, oo intii mudnayd ee wadankan magac ku lahayd, siday idinku soo gurmadeen, markaas qiimaha aad leedihiin halkaas baad ka arkaysaan, waxaan idinkula talinayaa in taladdaas ugu dambeeya aad qaadatan, gacmaha isa saartaan oo aad isa saamaxdaan”.

Mar uu baaq u diraayey Shacabka reer Somaliland ayaa wuxuu yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa midnimo, walaalnimo, iyo inaynu la shaqeeyno oo aynu is garab taagno Dawladda iyo Ciidankeena Qaranka, oo difaacana aynu ka wada qayb qaadano, waxaana si aad ah u amaanaya cid kasta oo Ciidankeena Qaranka is garab taagtay, una caawiyeen”

W/Q: Maxamed Ibraahim Qabo