Soomaaliya oo adduunka u noqon karta tusaale cusub

Waxaa marag ma doonto ah in Soomaaliya waxbadan looga dayan doono ama lagula yaabi doono. Caasimadda dalka Belgium, magaalada xarunta u ah midowga yurub ee Brussels oo uu ka furmay kulan lagu lafa gurayey arimaha Soomaaliya kaasoo daba socday kuwii horay uga dhacay London iyo Muqdisho sanadkii tegay ee 2017-ka ayaa waxaa la yaab noqotay in ay soo gaaraan todoba madaxweyne oo ka socota hal dal.

Soomaaliya waxay waddo cusub u furtay dowladdaha caalamka iyadoo arintani noqon karta hab dastuureed iyo nidaamka federal ah dunida ku soo kordhay qarnigan.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan oo ay dad badani rejo fiican ka qabeen ayaa muujinaya kala fogaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeeya madaxda sarsare ee hogaamiya dowlad goboleedyada dalka.

Shirka waxaa lagu diirad saarayey habsami u socodka adeegyada dowladdu shacabka u heyso, kobcinta dhaqaalaha, kasoo kabsashada dhibaatooyinkii lixaadka lahaa ee dalku soo maray iyo arimaha bini-aadanimadda, ha ahaatee, madax badan ayaa u aragtay gorgortan iyo tartan loogu jiro awood qeybsiga dalka gaar ahaan kaalmadda dhaqaale ee ay bixinayaan midowga yurub.

Dhalinyarada qurba joogta ah ee ku lugta leh saxaafadda soomaaliya iyo kuwa caadeystay inay dowladda dhaleeceeyaan ayaa u arkay fursad ay kula kulmi karaan mas’uuliyiinta dowladda taasi oo muujineysa in ay rejo ka leeyihiin in dalku u talaabsado dhanka horumarka.

Mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo aan magaciisa rabin in la shaaciyo ayaan weydiiyay sababta keentay in dad badani dacaayadeeyaan dowladda ayaa ii sheegay in uu weligii ka gadoodsanaa horusocod la’aanta dowladda iyo ballanqaadyada oo aan la fulin, dhalleeceyntiisuna ay marwalba salka ku heysay qaladaad badan oo aannu ka aamusi Karin.

Dhinaca kale waxaan shaki ku jirin qilaafka weyn iyo mugdiga soo kala dhex galay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne goboleedka Jubba land, Axmed Madoobe.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa dhowaantan noqotay mid suuqa yaacsan oo ay shacabku kasii warqabaan tilaab walba oo ay madaxda sare qaadayaan, dadka ay la tashtaan iyo qorshooyinkooda gaarka ah ka hor inta aan go’aanada qaarkood loogu dhawaaqin si rasmi ah.

Lacagaha loogu talo galo in lagu garab qabto dowladda taagta daran ayaa ku luma soo marista gacmo badan iyadoo marka dambena inta soo harta ay jeebka ku ritaan masuuliyiinta sar sare.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marki qudbadiisa la dhuuxo laga dareemi karay in uu hada u bilaabanayo halgan siyaaseed oo u baahan olole cusub si uu ugu sii nagaado kursiga kadib muddada afarta sano ah.

Kulankii uu la qaatay jaaliyadda Soomaalida, halkii laga filayey in uu ka hadlo waxqabadka dowladda iyo siyaasad cad oo uu kula dagaalamayo argagixisada oo ay wehliso qodobo dhab ah oo ku wajahan hiigsiga mustaqablka dhow ayuu bedelkeedii doortay in uu ka sheekeeyo taariikho la wada ogsoon yahay.

Madaxweynuhu wuxuu ku jiraa riyadii doorashada, isagoo mooda in weli shacabku xiiso u qabaan in been cusub lagu madadaaliyo.

W/Q:: Abdul Aziiz Mohmoud Kulmiye
Brussels Belgium