Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka oo dalbaday arrin xasaasi oo ka dhan ah Ilhaan Cumar (Warbixin)

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka, Mike Pence ayaa eedeyn kala dul-dhacay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Mike Pence oo khudbad ka jeedinayay kulan uu soo qaban-qaabiyey ururka Yahuudda Mareykanka ee AIPAC, ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay kala sooc iyo isir naceyb ku dhex waddo Mareykanka.

Isaga oo aan magaceeda ku dhawaaqin ayuu sheegay in ay ku daali doonto in Mareykanka uu Israel necbaado, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka iyo Israel aysan lahayn xiriir kaliya ee a yihiin hal qoys.

Waxaa uu Mike soo jeediyay in Ilhaan Cumar laga saaro Guddiga awoodda badan ee xiriirka arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Mareykanka.

Mike Pence ayaa ku biiray xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee doonaya in Ilhaan Cumar laga saaro guddiga xiriirka arrimaha dibadda oo ay xubin ka tahay.

Guddigan ayaa jaangooya siyaasadda dibadda Mareykanka ee golaha Wakiilada Mareykanka, waxaana ay toos ula shaqeeyaan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ilhaan ayaa dhowr jeer cambaareysay deegaameynta ay Israel ka waddo dhulka Falastiin, waxaa kale oo ay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Mareykanka uusan ahayn meel dalal gaar ah lagu naasnuujiyo.

Caasimada Onlien
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com