25.6 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Madaxweyne ku-xigeenkii Puntland oo ay maanta maxkamadeyn u billaabatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Taleex (Caasimada Online) – Maxkamad an horay loo shaacin oo lugu sheegay inay tahay mid islaami ah ayaa dacwad ku qaadi doonta madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland,Jen. Cabdisamad Cali Shire.

Maxkamadda cusub oo ka furan-tay duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool waxaa ay qaadi doonta dacwado la xiriira dagaallo ka dhacay deegaanka sanadkii 2013.

Deegaanka Taleex iyo deegaannada hoostaga waxaa muddooyinkii dambe ku soo noq noqday dagaal beeledyo u dhaxeeya beelo wada degga gobolka.

Maxkamadda qaadaysa eedeymaha ay soo kala gudbiyeen beelaha dagaallamay,waxaa kalo la filaya marka laga soo tago Jen. Shire inay hortagaan maxkamadda ilaa 22 xubnood oo la sheegay dagaallada halka ka dhacay inay lug ku leeyihiin.

Maxkamaddan oo ay garsoorayaal ka yihiin lix qof oo laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee culummada ayaa lagu eegayaa eedaymo la xiriira dad lagu laayay dhammaadkii sannadkii 2013-kii magaaladda Taleex.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah gudiga hawshan gacanta kusoo hayay muddo ka badan afar bilood ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in culumada garsoorku ay dhegeysteen qaybo ka mid ah dacwadihii iyo difaacii labada dhinac ee is-haya.

Jen. Cabdisamad oo isagu maxkamadeyntiisu u billaabatay ayaa loo haysta inuu qaab aarsi ah u laayey dadkii lagu laayay magaalada Taleex xilli ay ciidammo ka mid ah kuwa Puntland qabsadeen degmadaas, kana saareen maamulkii ka talinayay ee Khaatumo.

Waa markii ugu horreeysay oo maxkamad noocan ah ay qaado eedeymaha ay soo gubiyeen beelaha ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News