Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Gaashaandhiga DF Somalia General C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Saraakiil Ciidan oo uu Hogaaminaayo ayaa Saaka lagu wadaa inay u socdaalan Gobolka Galgaduud.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Wasiirka iyo Saraakiisha la socta ay gaari doonaan Magaalada Ceelbuur, isagoona u tegaayo arrimo ciidan, halka warar kaasi ka duwana ay sheegayaan in safarkiisu uu ku wajahan yahay Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, xili Guriceel ay ka taagan tahay dhiilo colaadeed.
Wasiir Diini ayaa socdaalkiisa kadib la kulmi doono Garabyada uu dagaalka u dhexeeyo ee DF iyo Ahlu sunna, si labada dhinac leeskugu soo dhaweeyo.
Dhanka kale, Socdaalkani, ayaa noqonaayo kii ugu horeeyay uu Wasiirku ku tegayo Gobolka Galgaduud, tan iyo markii maalmo ka hor la magacaabay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

