Madaxweyne Muuse Biixi oo diiday dalabkii Faysal Cali ee guddiga doorashooyinka

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu diiday dalabkii Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyne Biixi ayaa diiday dalabkii Faysal ee ahaa ‘in uu is-casilaada ka diido xubintooda ka tirsaneyd Komishanka cusub ee doorashooyinka, kaasi oo hore u shaaciyey is-casilaadiisa’.

Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii Sabtidii Madaxweynaha u gudbiyay Warqad uu ku sheegay in uu ka diiday is-casilaadii Xasan Yuusuf Ducaale, oo ahaa xubintii uu xisbiga Ucid u xulay kamid noqoshada Komishanka cusub ee doorashooyinka oo bishii labaad ee sanadkan ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinimadii komishanka si xal looga gaaro khilaafka doorashooyinka.

Faysal ayaa waraaqdaasi Muuse Biixi kaga dalbanayey in uu isaguna ka diido is-casilaadaasi, maadama uusan u soo gudbin war qoraal ah oo uu si rasmiya ugu cadeynayo is-casilaadiisa, sida uu sheegay Guddoomiyuhu.

Waxa kale oo waraaqdaasi uu hore ugu yiri Faysal “Mudane Madaxweyne waxa si sharaf leh kaga codsanaynaa in aad adna ka aqbalin is-casilaadaas si uu shaqadii qaranka uu u hayayna uu u bilaabo”.

Diidmada Biixi ayaa imaneysa xili ay xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadu ay heshiis ka gaadheen khilaafkii muddada badan ka taagnaa arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Xisbiga Ucid, oo ku saabsan diidmada Madaxweynaha ee xubintoodii Komishanka ee hore isku casishay.