Siyaasiyiin iyo ganacsato ku beel ah R/W Kheyre oo olole ka billaabay Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo ganacsato ku beel ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa olole taageero loogu raadinayo ka billaabay magaalada Nairobi, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha ololahan wada ay ku jiraan xildhibaano iyo qaar ka mid ah ganacsatada ugu caansan Muqdisho.

Xubnahan ayaa la kulmaya ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda deegaanada Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre weli si rasmi ah uma shaacin inuu yahay musharax, hase yeeshee waxaa aad loo rumeysan yahay inuu sidaas damacsan yahay, waxaana dadaallada socda ay horudhac u yihiin qorshaha uu ku xaqiijinayo taageero xooggan ka hor inta aanu ku dhowaaqin musharaxnimadiisa.

Dadaallada ay wadaan xubnaha ku beesha ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la rumeysan yahay inaysan ku dooneyn kaliya dhaqaale – Waa ay heli karaan dhaqaale ku filan – balse ay raadinayaan taageero siyaasadeed.

Mas’uuliyiinta u ololeynaya Kheyre ayaa rumeysan inay jirto fursad aad u weyn, oo uu ku guuleysan karo haddii uu is-sharxo, marka la eego waxqabadkiisa iyo inaysan jirin xiisad kala dhaxeysa beelaha Soomaalida intooda badan.

Madaxweyne Farmaajo, oo isna sheegay inuu is-sharxayo, ayey xubnaha Kheyre ku dhow rumeysan yihiin in loo arko inuu mas’uul ka yahay am ay isaga ku wada dhaceyso eedda iyo qaladaadka ay dowladda ka tirsanayaan maamul goboleedyo iyo beelo badan.

Waxaa sidoo kale ay rumeysan yihiin in xildhibaano badan ay doorbidi doonaan madaxweyne cusub, intii dib loo soo celin lahaa qaar ka mid ah kuwii ka horeeyey Farmaajo, sida Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre, taasi oo keentay inay beeshooda xitaa la hadlaan.

Xildhibaanada iyo ganacsatada ku dhow Kheyre ayaa ganacsatada iyo odayaasha ku beesha ah madaxweynayaashii hore kala hadlay inay taageeraan Kheyre, haddii ay dhacdo in madaxdii hore fursadooda ay yaraato.

Wararka ayaa sheegaya in Kheyre uu bilihii dhowaa aad ugu dhowaa beesha madaxweynayaashii hore, islamarkaana aysan jirin wax tabasho ah oo kala dhex-yaalla.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddo laga sugayey inay ku dhowaaqdo xisbiga ay uga qeyb-galeyso doorashooyinka dalka ka dhacaya, basel weli waa ay ku guuleysan la’dahay. Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ayaa lagu sheegay in Kheyre uu diidan yahay inuu qeyb ka noqdo, inkasta oo madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu ka mid noqonayo.