Muuse Biixi oo sheegay in Xasan uu geeri ka xigo inuu…

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan xiisaddii ka dhalatay heshiiskii Muuse Biixi u saxiixay dowladda Itoobiya, kaasi oo Addis Ababa siinaya 20KM oo kamid ah biyaha Soomaaliya kontanka sano ee soo aadan.

Itoobiya ayaa wajaheysa culeyskii ka dhashay is-afgaradkaan, kaasi oo dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga hortimid.

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa bixiyay wareysi u muuqday mid uu ku daminayo kacsanaanta shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah kuwa gobollada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Biixi wuxuu aad ugu dheeraaday inuu isku dayo inuu dadka ku qanciyo heshiiska, isaga oo sawiraya fursadaha ku dhex jira ee mustaqbalka, wallow ay badi u muuqdeen kuwa aan rejo badan laheyn.

Intii uu socday wareysiga waxaa Muuse Biixi la weydiiyay kulankii isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhex-maray waddanka Jabuuti, gaar ahaan qoddobka midnimada ama kala taga.

Wuxuu Muuse Biixi sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qirsan yahay dhibkii gaaray Somaliland, laakiin uu weli qabo aragti ah in dib loo midoobo.

Wuxuu yiri “Madaxda Soomaalida oo dhan ayaa qirsan dhibaatada la gaarsiiyay reer Somaliland, laakiin Xasan Sheekh Maxamuud geeri ayuu ka xigaa inuu aqoonsado Somaliland.”

Hadalkiisa wuxuu ahaa aan dib isugu soo laabanayo, ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu difaacay heshiiskii uu la galay dowladda Itoobiya, wuxuu sheegay in aan la qaadan doonin dhulka balse uu yahay kiro. Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya aanay laheyn awood ay ku hor istaagi karto fulinta heshiiskaasi.

Wuxuu Muqdisho ku eedeeyay inay ka baxday dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay, sida; wadaaga mashaariicda iyo maamulka hawada.

Hadalka Muuse Biixi waxaa ka muuqatay in uusan haynin maareyn fudud oo ku saabsan heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, marka laga reebo aaminaada in awood lagu dhaqan-gelin karo. Addis Ababa taasi bedelkeeda ma sheegin inay rabto in heshiiska uu xoog ku dhaqan-galo.

Culeyska aqoonsi la’aanta ku hayso heshiiskan ayuu ka dhuuntay inuu sharaxo Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay adag tahay inuu adduunka aqbalo dhaqan-galka heshiis ay dhigteen gobol aan la aqoonsaneyn iyo dal la aqoonsan yahay.

Dadka reer Somaliland ayaa si weyn u faaqidin wareysiga uu bixiyay Muuse Biixi, ma aanay muujin inay si weyn ula dhaceen jawaabaha uu hoggaamiye Biixi ka bixiyay qorshaha Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii 1-dii bishaan ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ma qarsooneyn 30-kii sano ee lasoo dhaafay, laakiin ma jirin qof u bareeray inuu u saxiixo sida Muuse Biixi.

Marka laga hadlayo heshiiskan, Itoobiya waa kala hadashay, mar waxay sheegtay inay tahay kiro 50 sano ah oo mustaqbalkana gaari karta 100 sano, marna waxay sheegeen in saldhiga uu yahay mid joogto taas, taas oo ku siineysa farriin hordhac ah oo la xiriirta inay jiraan waxyaabo badan oo heshiiskan la xiriira oo la qarinaayo.