Sacuudiga oo malaayiin ku bixinaya Somalia + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay mashaariic uu fulinayo Sacuudiga, kaasi oo ay ku baxeyso malaayiin dollar.

Mashaariicdan oo la xiriirta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka, ayaa waxaa Soomaaliya ka hirgelinaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaasi oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo kamid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabkeena.

La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta u yimid daah-furka mashaariicdan

Dr Cabdalla ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageerada dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Boqortooyada Sucuudiga garab istaagga iyo taageerada noocyada kala duwan leh ee ay mar walba siiso dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu tallaabadani ku macneeyay mid sii xoojinaysa xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u soo kabasho.