Madaxweyne QOOR QOOR oo hal arrin ka ballan-qaaday xubnaha Beesha Caalamka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kulan dhanka Zoomka ah la yeeshay qaar ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka ee uu fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

Qoor Qoor ayaa si gaar ah wada-hadallo ku aadan doorashooyinka ula yeeshay wakiilada Qaramada Midoobay, Ingiriiska, Mareykanka iyo sidoo kale Danjiraha Midowga Yurub.

Labada dhinac ay waxa ay diiradda saareen qodobo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga dalka, ilaalinta qoondada haweenka iyo taageerada dhaqaale ee Caalamka.

Madaxweynaha Galmudug oo hadal ka jeediyey madasha ayaa u ballan qaaday xubnaha uu la shiray ee Beesha Caalamka inuu doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya deegaanada maamulkaasi uu soo gaba-gabeyn doono dhammaadka 2021-ka.

”Waxaan u xaqiijinnay inaan soo gebagebeyneyno doorashada ka hor dhammaadka 2021-ka,”ayuu yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Sidoo kale wakiilada Qaramada Midoobay, Ingiriiska, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa dhankooda shaaca ka qaaday in Galmudug ay ku garab siinayaan dhammeystirka doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo dhowaan ka bilaabaneyso maamulkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashooyinka baarlamaanka oo muhiim u ah tan madaxweynaha oo marar badan dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey.