Wararkii ugu dambeeyey dil kale oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho ay xalay koox hubeysan ka geysatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya toogashada oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa ay ka dhacday xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaas.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Mukhtaar Yalaxow, wuxuuna ka mid ahaa dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka fulisay ay gurigiisa ugu galeen marxuumka, kadibna ay rasaas ku fureen, taas oo sababtay dhimashadiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in ragga dilka fuliyey ay ahaayeen burcad dooneysay inay dhacaan marxuumka, iyaga oo isla goobta ku toogtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe tegay meesha ay wax ka dhaceen, waxaana howl-gallo kooban ay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Kaaraan ayaa ka mid ah degmooyinka ugu badan ee xilliyada habeenkii ah ay jiraan falalka ammaan darri, gaar ahaan dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku nool halkaasi.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay arrimaha doorashooyinka, maadaama uu dalka ku jiro kala guur.