Madaxweyne Qoor Qoor oo hortegaya Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta lagu wadaa inuu ka qeyb-galo kulanka Aqalka Sare ee Somalia.

Qoor Qoor ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo xarunta Aqalka Sare, taas oo uu uga hadlayo arrimaha Galmudug, xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirka Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay dhammaan Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare ayaa su’aallo weydiin doono Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Si kastabta ha’ahaatee waxaa horey xarunta Aqalka Sare u tegay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo  Puntland oo iyaguna warbixin laga dhageystay.

Arrimaha ayaa ku soo aadaya, xilli haatan u magaalada Muqdisho shir wada-tashi ah uga socdo madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada.