Beesha caalamka oo dalbatay in xubno kale lagu soo daro shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka oo haatan uu shir uga socdo Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka qayb-galka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.”

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ay rajeyneyso in saamileyda kale ee siyaasadda Soomaaliya ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, “si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.”

“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.”

“Qoraalkan kasoo baxay beesha caalamka ayaa ugu dambeyntii lagu yiri, “Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.”

War-saxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo dalalka kala ah, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.