Daawo: Mursal oo aqriyey ‘qodob laga yax-yaxo oo ka dhan ah diinta islaamka’ oo la horkeenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si caro leh kulanka golaha uga hor akhriyey qodobo ka hor imaanaya diinta Islaamka oo ku jira sharciga Jinsiga.

Sharcigan waxaa hor-geysay golaha wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji, balse waxaa ku gacan seyray guddoomiye Maxamed Mursal oo ku canaantay in aysan mar dambe hor-keenin golaha sharcigaas inta ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya diinta Islaamka oo uu goobta ka akhriyey.

Guddoomiye Mursal oo aad u careysan, isla markaana ka yax-yaxaya ayaa akhriyey qodobka afaraad ee sharcigaas, oo baneynaya (sinada) iyo waxyaabo kale oo ka fog ku dhaqanka diinta Islaamka, oo ay ka mid tahay inay isu tegi karaan qaniisiinta.

Waxa uu sheegay in marar badan ay ka xishoodeen in wax ay soo gudbisay wasiir Deeqa ay ka hor akhriyaan golaha, balse maanta ay ka fursan waayeen, maadaama lagu soo cel-celiyey golaha, iyadoo laga doonayo ansixin.

Sharcigan waxaa horay u meel mariyey golaha wasiirrada ee xukuumadii Kheyre, balse waxaa la marsiin waayey golaha shacabka oo marar badan lagu cel-celiyey sida uu sheegay guddoomiye Mursal.

“Sharcigan xukuumadii hadda dhacday markii ay ansixisay culumada Soomaaliyeed oo dhan ayaa ka hadashay, culumada qaarkood dadka sharcigan soo ansixiyey waxay ku sifeeyeen dad aan islaam aheyn, sidaas darteed waxaa loo xil saaray guddi uu madax ka yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka culumo Soomaaliyeedna ay ka mid ahaayeen, waa laga soo shaqeeyey sharcigii, waxaa loo yeeray wasiir Deeqa, iyaduna waxay ku adkeysatay in sharcigii ay soo qortay oo kaliya xukuumadda laga ansixinayo, sidaas ayuuna xukuumadda uga soo gudbay,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Intaas kadib waxa uu sheegay guddoomiyuhu inay isugu yeereen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, isla markaana uu guddigu isku raacay in ma’suulyada sharcigan uu qaato guddoonka galaha shacabka.

Waxa uu sheegay inay diyaariyeen culumo iyo quburo diyaarisa sharcigaas, markii ay soo diyaariyeen ay u gudbiyeen ra’iisul wasaare Kheyre.

“Culumada iyo sharci yaqaanada golaha shacabka ayaa wada fariistay, sharcigii waa la saxay dukumiinti ayey soo diyaariyeen, intaas kadib ra’iisul wasaaraha waxaan ku niri sharcigii waakan wixii khatarta ahaa waa laga saaray, ee wasiirada faraha halaga saaro, ee mar labaad xukuumadda haka soo ansixiso, hadana ra’iisul wasaaraha waxuu nagu yiri awood uma lahan wasiiradu inay wax ku soo darto ee adinku saa yeeleysan yeela,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Halkan hoose ka Daawo guddoomiye Mursal oo sharaxaya sharcigaas