CABDI CALI: Madaxda magaalada Muqdisho ku shireysa awood uma lahan inay sharciga wax bedalaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si hordhac ah uga sii faallooday in madaxda ku shireysa magaalada Muqdisho aysan go’aan ka gaari Karin arrimaha doorashada xilli maalintii labaad ay dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ku shirayaan madaxtooyada.

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan golaha shacabka wuxuu sheegay in dhinacyada ku shiraya Muqdisho aysan waxba ka badali Karin xeerkii doorashada uu ansixiyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay qasab tahay in mar walba lasoo marsiiyo Baarlamaanka.

Xildhibaanka wuxuu dareensan yahay in heshiis walba oo baalmaraya sharciga uu saxiixay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagula soo laaban doono golaha shacabka, warbaahinta maxaliga ah ayuu warkaas u sheegay.

“Waxaa qasab ah in Baarlamaanka la horkeeno hadii waxlaga badalo xeerkii doorashada uu madaxweynaha saxiixay, dhinacyada ku shiraya Muqdisho ma ahan sharci sameeyayaal, golaha shacabka ayaa  ah sharci sameeyayaasha ayaga ayaana wax ka dhihi kara” ayuu yiri.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee looga hadlayo shirka Muqdisho waa arrimaha Doorashada maadaama ay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada saluugeen hanaankii lagu heshiiyay shirka dhuusamareeb 3.

Waxaa la filayaa in heshiisyo la isla ogol yahay ay kasoo baxaan iyadoo xildhibaanada Golaha Shacabka aaminsan yahiin in lagu soo celin doono, waxeyna garab joogaan madaxweyne Farmaajo.