Rag looga shakisan yahay in ay yihiin ciidamada DF oo kufsi ka gaystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dabley hubeysan oo looga shakisan yahay iney ka mid yahiin ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney fal kufsi ah ka geysteen magaalada Muqdisho bilowga isbuucaan.

Sida ay ku warameen maamulka dagmada Shangaani ee gobolka Banaadir, falkaan waxaa loo geystay wiil 9-jir ah, waxeyna qoyska dhibanaha sheegeen in falka uu dhacay xilli habeen ah oo ay dableysa usoo dhaceen gurigooda.

“Dhakhtar ayaa noo xaqiijiyay dhibka gaaray wiilka yar, guriga ayuu jiifaa, wuu caafimaad qabaa, balse inaan cadaalad helno ayaan u baahanahay” ayuu yiri awoowaha wiilka yar ee dhibta loo geystay.

Laba qof oo dumar ah oo ku sugnaa guriga ayaa ka badbaaday falka kufsiga ah oo ay geysteen ragga aan wali la cadeyn hadii ay yahiin ciidamo ka tirsan dowladda iyo hadii ay yahiin burcad.

Qof la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa kooxda falkaan geysatay ayaa ku xiran saldhigga dagmada Shangaani, taliska Booliska wey ka gaabsadeen iney ka hadlaan kiiskaan walow ay xaqiijiyeen iney akhbaarta soo gaartay.

Kufsiga wuu kusoo badanayaa Muqdisho, dhawaan ayey aheyd markii kufsi iyo dil loo geystay gabar dhawaan ka baxday dugsiga sare oo magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax, waana kiis wali taagan.