Sawirro: Qoor Qoor oo ka dagay Kismaayo + Ujeedka

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta goboka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulkaas iyo dadweyne fara badan, ayada oo kadib loo galbiyay qasriga madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa loo adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo, ayada oo la xiray waddooyinka qaar ee magaaladaais, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedka safarka Qoor Qoor ee Kismaayo ayaa la xiriira kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ka qayb-galayo shir gaar ah oo uu soo qaban qaabiyay Axmed Madoobe, kaas oo ay yeelanayaan qaar kamid ah madax goboleedyada, loogana hadli doono xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo fatahaadaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in intiisa badan shirkaas diiradda lagu saari doono arrinta dastuurka oo ay dood xoogan ka taagan tahay wax ka beddalkiisa.

Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa hadda si aad ugu ololeynaayo wax ka beddalka dastuurka, iyaga oo bilaabay qorshahooda ku aadan arrintaas oo ay wadato Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, waxaana isha lagu wada hayaa shirarkan siyaasadeed ee la filayo inay gudaha dalka ka dhacaan, ayna qayb ka yihiin mucaaradka oo diidan in la beddalo dastuuka.