Sidee looga fal-celiyay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Deni iyo Karaash?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaaf cusub oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka maamulka.

Karaash ayaa shalay weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Deni, oo uu ku eedeeyay inuu yahay kaligii taliye, islamarkaana uu isku koobay awooddii maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iska diiday dhammaan talooyinkii loo jeediyay, isaga oo tilmaamay inuu qaaday waddo natiijadeeda ay tahay fashil oo kaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil,” ayuu Karaash ku yiri qoraal uu ku weeraray madaxweyne Deni.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa arrimaha masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho.”

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Ismaaciil Yare: “Waxaa khilaafkaas looga hortagi karaa wada-hadal iyo is ogol iyo in Isimada wax walba looga dambeyo.”

Axmed Muxumed ayaa isna waxa uu yiri “Saciid Deni maanta xaaladiisu waxay maraysaa sidii maalintii Farmaajo.”

“Xalka Puntland waaa in doorasho 66-ka Xildhibaan ka dhacdo haddii kale waxay halis ugu jirtaa burbur,” ayuu yiri Deeq Cali Jigjigaawi.

Suldaan Xirsi Cali Maxamed: “Deni wuxuu qaatay go’aan fiican marku ka laabtay doorashadii qof iyo codka aheyd, siyaasiyiinta Deni kasoo horjeeda waxaan leeyahay u tura shacabkiina iyo degaankiina oo iska ilaaliya wax walba oo lid ku ah xasiloonida dhulkiina.”

Cabdiwahaab Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Goor waqtigii dhamaaday baa isqabateen waxaas mar horaanu ka jeclayn inaad meel isa saartaan (Deni iyo Karaash).”

“Waqtigiini waa dhamaaday hadaa fowdo rabtaan labadiina is-rifa shacabka yaan waxba soo gaarin fadlan,” ayey tiri Farax Saciid Yuusuf.

Cali Cawil Cabdulle: “Madaxweynuhu muddo kororsi buu diiday adna (Karaash) waa rabtaaye yaa labadina khaldan marka.”

Bashiir Shaaciye ayaa isna waxa uu yiri “Karaashow ninka umadda adaa kusii daayey labadiinuba dhib baa bulshada Ku haysaane dhaafa.”

“Deni inuu jabey waxan ku dareemay odeygii Axmed Karaash ahaa baa usoo fak-fakanaya,” ayuu yiri Cabdiqaadir Jookar.