Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig! (Kaftan Siyaasadeed qosol badan)

Xafiiska Madaxweynaha Cusub, ayaa waxaa is kor rasteysan boqolaal araaji ah oo ay soo direen rag u baratamaya in ay qabtaan xilka Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Araajidaas iyo CV yada ku lifaaqan ayaan markaan eegmo iyo odors qiimeyneed ku samyey waxaan ka dheehdey tartan iyo hanqal tag badan oo aan hadana wax qiimo ah oo lagu kala doorto aan lahayn, kuwaas oo isoo xasuusey googaalaysigii ahaa ( xeradeenu waa wada ul mid la qatana ma leh)!!.

Qoraaladaas ayaa mid walba saaxiibkeed wuxuu isku dayey inuu ku qanciyo ninka fadhiya hadda Villa Soomaaliya inuu yahay asagu shaqsigii muhiimka ahaa oo kaalintaas lahaa, waxanan ka xusi karaa doodaha iyo macluumaadka ragaasu kusoo bandhigeen mashruucooda doorasho kuwan hoos ku qoran:

1-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Sababtoo ah waxaan ahay rugcadaa siyaasadeed 22 kii sano ee ugu danbaysay waxaan fadhiyey Islii, waxaa layga yaqaan dhamaan mafrashyada qaadka, waxaan ahay nin yaqaan si loo sameeyo gacanacsi deg dega ah… Muhiim ma aha meeshaan ka keeno xoolaha.
Mar mar NGst farsamo badan ayaan ahay, waxaa aad layga bartay xafiis hoosaadka NG yada ee UDNP xafiiska Soomaaliya.

Haddii xukuumada aan madax ka noqdo, waxaan aqaan dhamaan meesha faylasha lakala geynayo, muhiimna iima aha xoolaha aduunyadu noogu deeqado inta ay le’egyihiin laakiin waxaan aqaan sida jeebweynta xafiisyadaas fadhida dhiil iyo gorgortan loola galo, wixii aan ka helanana waa noo qeyb, dal iyo dadna waxba nagama galin.Luuqadaha iskuma fiicnin barigii jaamacadda umadda Talyaani ayaan wax kusoo mad madoobaystay, laakiin gabdha xoghaynteyda ah ayaa laysu sheegay.

2-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan biyatooni ka ahaa xafiiska UNIPOS, kasoo markii danbe u dalacay karraani , Dr.Mahiiga iyo Walda Cabdalla oo ka horeyey dhowr goor ayaan albaabka ka furey, waxaan hubaa in ay wajigeyga xasuustaan doonaan.

Saaxiibadeyda aan Xafiiska isla joogno waxay I leeyihiin ” war ka kac meesha”, waxayna uu muujiyeen in ay Mahiiga I xasuusin doonaan inaad halkaan biya tooni iyo karaaniiste faraha looga gubtay ka ahayd. Luqada Ingiriiska sida tansaniyaanka, sida muritaaniyankaba waan ka maqlaya ayagoo ku hadlayaa Mahiiga iyo Wald Cabdalla.

3-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay nin aad Afrikaan Unionka looga bartay, toban sano waxaan joogay Xaruntiisa Addis Abba, Qadaafi intuu noolaa maalin ayaan salaamay, Sinaawi waa iga hor geeriyooday, laakiin waxaan aqaan oo sidaan u salamay gacmuhu isku kaana murxeen Col. Gabre, hadaan xafiiska fariisto warkeenu horey ka gaara.

Waxaan anigu gaar ahaan ku guulaysan karaa in lasii kordhiyo ciidanka AMISOM. Tan Oromo iyo Sidaamo xamar ay noogu imanayaan. Iska jir madaxweyne inaan ahayn nin la wato. Amxaariga, waxaa ii dheer kan Tigteega, xitaa Faransiiska waxbaan ka badawosadey.

4-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay shaqsi tabcay xoolo badan, tan iyo Mukalla oo yamman ku taal arigaan geeyaa, Sucuudiga Maxjaro badan oo aan aniga iyo adigu shirka ku nahay ayaan kasoo qaadi doonaa, canshuur dhaafna waan ka dhigayaan dakaddaha kaharash badan nagu qaadan meyso inaan xoolaha oo dhan dalka ka rarno dhadig iyo labood, cid kalena biya cabi mayso, carabiga iskuma fiicnin laakiin ALXIIN ayaan ka xasuustaa.

Hadaad deg deg ooga faa’iideysan waydo fursadaan, waxaad ogaataa inaan amiir yar oo Sucuudiyaana oo aan bari dhaweyd, is baranay xoolo danbena uu jiro, waxay ku xirantahay dhalooyin mashrubaad ruuxiya ah inaan horey igu geeyo, markaas ka dibna neef danbe la dhoofin mayo, Rift fully ayaan ku wada talaala ceesaan ka aroori mayso .. labadaa mid dooro..!!

5- Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahaa barigii adeer baladka odayga ka ahaa nin la yaqaan BMW ayaan ku socon jirey Shabeelaha Hoosena hal aseendo ayaan ka jeexdey, aad baan adeer usoo salaami jirey sida uu madaxa u ruxi jirey ayaan xasuustaa, usha meeshu ku muday maalin ayaan ogaa, hindisodiisa meeshay u jeedo ayaan qiyaasi jirey, aadbaan uga duceystay, hadaadan isoo jaleecin mudane madaxweyne meel darran ayaad reerka ku furi doontaa ogoow. Ololihii reermiyiga farta Soomaaliga ayaan si fiican ugu bartay TIIBA TALYAANI AYAAN ayaa u qoraa.!!

6-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay ninkaad taqaanay, ma xasuustaa maalintaad adiga iyo saaxiibada warqadaha ii keensateen codsigiinu halkuu gaarey, waad ogsoontahay inaad madaxweyne aniga madaxeyga ku hesheen dhowr mashruuc oo aad ku ilma korsateen. Xafiiska hoosadyada UNDP oo dhan wa aqaan ma jiro mid ananan galin, wax badan ayaan nooga soo shaxaadi karaa.Waxay igu dheheen madaxdeydu “dowlad aad ku jirtaa jid gooyo waligeed la kulmi mayso, dalabaadkaaga waa la oofinaa, kuweenana waa oofsanaynaa”.!!!

Khibradeydu ma liidato waa lix soon qaad, luuqadey Ingiriiskuna aad ayey u sareysa, sida eeshiyaankana waan ugu hadlaa, luuqada Urdugana waan yara jajabsadaa oo mar mar ayaan isku xan qarsan karnaa.

W/Q: Cabdi Yusuf

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan