Madaxweyne saameyn leh oo si xooggan u taageeraya ku biirista Soomaaliya ee EAC

By Zaki Hiraale

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa dhawaan soo cusbooneysiisay dalab ay ku dooneyso inay ku hesho xubinimada Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC oo hadda ay ku midaysan yihiin toddobo dal. Tan iyo dhammaadkii 60-meeyadii ayay Soomaaliya daneynaysay inay xubin buuxda ka noqoto ururkan. 

Muqdisho ayaa laga diiday codsigeeda toban sanno kahor. Waxaana loo arkay inaysan lahayn hay’ado dowladeed oo xooggan. Laakiin madaama Koofur Suudaan oo ah dal dagaallo sokeeye la dageen laga guddoomay noqoshada xubinnimadiisa Ururka, Soomaaliya hadda waxay leedahay rejo aad u sarreysa. 

Dalabkeedii ugu horreeyey ee xubinimada waxay ku lumisay himiladii Soomaaliweyn iyo raadinta dhulalkii ka maqnaa. Waxayna taasi halis ku ahayd Kenya oo xubin ka ahayd ururka. 

Dhulkii Seeraha Waqooyi ee NFD iyo Soomaali Galbeed ayaa ka maqnaa Soomaaliyadii xorta ahayd waagaas, marka laga reebo Jabuuti oo gumeystihii Faransiiska gacanta ugu jirtay. Hadda waxaa Ururkan si midaysan ugu bahoobay dalalka Uganda, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, Koonfur Sudan iyo DR Congo. 

Sannadkii 2017-ka, waxay mar kale dalbatay inay xubin ka noqoto Ururka. Waxaase diidmo xooggan kala horyimid dalalka Kenya iyo Tanzania oo arrimo amni ku saleeyey. 

Is-qab-qabsi iyo walaac

Somaaliya iyo Kenya waxay wadaagaan xuduud beenaad aad u dheer. Aad bayse iskugu diidan yihiin waxyaabo badan oo siyaasaddu ka kow tahay. Waxaase isku xira bulsho dhan oo gobalka Soomaalida ku nool iyo kuwa kale oo ganacsi xooggan ku yeeshay gudaha Kenya. Qaadka ama jaadka ayaa sidoo kale ah dun isku xiraysa. 

Laakiin Kenya waxay weerraro aan yareyn kala kulantay kooxda al-Shabaab. Labada waddan ayaa sidoo kale muran dhanka badda ah uu dhex maray kaas oo markii dambe ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka u xukuntay Soomaaliya. 

Khubarada ayaa sheegaya dadka Tanzanian-ka ah ay aad uga shaki iyo cabsi badan yihiin Kenyaan-ka marka ay timaado ku biiritaanka Soomaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika. 

“Waxay Tanzania doorbiday Koonfur Sudan xubinnimadeeda waayo waxay leedahay shidaal,” ayuu yiri Kibuuka Maxamed oo ah falanqeeye siyaasadeed. 

Madaxweynaha Uganada, Yoweri Musaveni ayaa, si kastaba, ku tilmaamay Soomaaliya mid haysata dhammaanba sababaha loogu biiri karo Ururka madaama ay xuduud la wadaagto mid kamid ah xubnaha Ururka. 

“Waa dal dimuqraadi ah oo ganacsiyo waaweyn oo gaar loo leeyahay oo sugan ay ka jiraan,” ayuu yiri. 

Wuxuu horraantii bishan balanqaaday inuu Soomaaliya ka caawin doono dadaalkeeda ku aadan ku biiritaanka Ururka. 

Uganda waxay ka qeyb ahayd howlgalka Nabad-ilaalinta Soomaaliya taniyo sannadkii 2007, in kasta oo xiriir ganacsi oo aan sidaas u xoog badneyn uu ka dhaxeeyo labada dal. 

Soomaaliya waxay leedahay xeebta labaad ee ugu dheer Afrika. Waxayna dhacdaa bar istiraatiji muhiim ah. Mana ahan dal dhulxiran ah oo marwalba u baahan in waddan kale loo soo mariyo badeecadaha sida Koofurta Suudaan. 

Turkiga, Shiinaha, Hindiya, Cumaan iyo Kenya ayaa ah ilaha ugu badan oo ay wax kasoo dhoofsadaan. Waxaana suuqa ugu weyn oo ay wax u dhoofiyaan uu yahay Cumaan. 

Koofur Suudaan waxay xooggeeda ku tiirsan tahay dalalka xubnaha ka ah Ururka sida Kenya iyo Uganda marka ay timaado inay wax soo degsadaan. 

Rebecca Kadaga, oo ah u qaabilsanaha Uganda ee Ururka EAC ayaa sheegtay in Soomaaliya ay muddo badan ganacsi fiican la lahayd xubnaha ku jira Ururka taasina ay u fududeyn karto inay kusoo biirto. 

Waxay hoosta ka xariiqday in haddii Soomaaliya ay buuxiso dhammaanba shuruudaha looga baahan yahay, ay xaqiiqdii heli doonto xubinnimadeeda Ururka. 

Ka-gudbidda caqabadaha 

Anisa Osman Dirie, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ah maamul ka tirsan Midowga Afrika, ayaa sheegtay in Soomaaliya looga baahan yahay inay ka gudubto caqabadaha horyaalla si ay ugu biirto EAC, ayada oo ku boorisay midnimo, nabad iyo wada noolaansho ku dhisan saaxiibnimo, waxayna intaas ku dartay in Muqdisho ay muhiim tahay inay raadiso hoggaanka urur goboleedyada.

“Soomaaliya ma la’a aqoonyahano si caalami ah loo aqoonsan yahay oo xilal hoggaamineed ka qaban kara ururada gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Aqoontooda iyo khibroddooda waa kuwa si buuxda loo heli karo,” ayey tiri.

“Buundada maqan waa istaraatiijiyad la isku dubariday oo lagu abuurayo wacyigelintan. Run ahaantii, burburka ku yimid hanaankii siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa dunida ka yaabiyay, balse taasi macnaheedu maaha in aanay jirin hoggaamiyeyaal aragti fog oo waddaniyiin ah. Aad bay u badan yihiin laakiin intooda badani waxay dhibanayaal u yihiin dhibaato aysan abuurin.”

Waxay intaas ku dartay: “Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in cid kasta oo doonaysa inay Soomaaliya ka baxdo xasillooni darrada jirta ay taageerto helitaankeeda xubinnimada EAC iyo hoggaanka, iyo sidoo kale ururrada kale ee dowliga ah sida Urur-goboleedka IGAD, QM, iyo Midowga Afrika ama guddiyo kala duwan, (ayadoo) tani ay dejinayso ajandaha halganka dawlad-dhisidda Soomaaliya.” 

Aamina Xirsi oo ah haweeney Soomaaliyeed oo ganacsato ah oo ku nool Uganda ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka Anadolu in ku biiritaanka Ururka EAC uu sahlayo beekhaamada ganacsiga ay hadda ku jirto oo uu suuq furan oo laga wada macaashi karo siinayo dhammaan xubnaha. 

“Waxaana uu abuurayaa isdhexgal iyo kobac dhaqaale oo xooggan,” ayay tiri. 

Iyada oo la eegayo heshiiskii 1999 ee Ururku uu gaaray, haddii Soomaaliya ay ku biirto waxay fiiso la’aan ku tagi karaan muwaadiniinteeda dhammaanba dalalka EAC. Waxaana qofku uu xaq u yeelanayaa baasaboorta Bulshada Bariga Afrika. Mana la saarayo wax canshuurro ah ganacsigiisa. 

Dakhliga dhaqaalaha sannadkan ee Ururkan ayaa lagu qaddaray $300 oo bilyan, waxaana 312 milyan oo dad ah oo kasoo kala jeeda dalalka xubnaha ka ah ay ku safraan hal baasaboor.