Madaxweyne Saciid DENI: “Hawada Somalia maahan DUKAAN uu qof leeyahay”

Boosaaso (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Somalia ay saartay  Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana  baalmarsan dastuurka dalka iyo awooda uu siinaayo Maamul Goboleedyada .

Wareys uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu sheegay in Hawada Soomaaliya aanay aheyn dukaan qof leeyahay, isla markaana ay tahay Hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro.

Madaxweyne Deni oo kamid ah Madaxda lagu casuumay Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Jubbaland balse ay saameysay xayiraada la saaray duulimaadyadii Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in mooqifkiisa aysan waxba iska badali doonin uuna ka qayb-gali doono Caleema saarka Axmed Madoobe.

“Runtii Hawada Soomaaliya ma ahan Dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro oo qawaaniin caalami leh, aad baan uga xumahay ku xadgudub Dastuur inuu dhaco, suura galna ma ahan wax dastuurka dadka xaqa u siiyay qof ra’yi siyaasadeed qabi kara in xayiraad dadka iyo isu socodka loo saaro sax ma ahan arrin aan ku habooneyn dowladnimada iyo dadnimada”ayuu yiri Saciid Deni.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa difaacay Heshiiska Maamulkiisa la galay Shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in mas’uuliyadda loo dhaariyay ay ka mid yahay inay hormar ka sameeyaan dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Waad ogsoontihiin, waxaa jira cadow badan oo aynu leenahay, cadowgeenu waa badanyahay, ha noqdo inay meel walba furimo inooga sameeyaan, dhinacyo badan waxaan kaga bixi karnaa inagoo wada-shaqayna, laamaha amniga la shaqayna noqona mid, taas ayaan kaga guulaysan karnaa,” ayuu yiri  Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo hor leh ay geeyeen Magaalada boosaaso, islamarkaana ay sugayaan amniga Magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com