Madaxweyne Saciid Deni oo shaaciyey sababta loo fulin la’yahay heshiiska DP World

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Saab ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ballaarinta dekedda Boosaaso, gaar ahaan heshiiska ay la galeen shirkadda DP World.

Deni ayaa wareysigaan ku sheegay in heshiiskaasi uusan u hirgelin sidii loogu talagalay, islamarkaana ay jiraan caqabado laga garaabi karo iyo kuwo aan laga garaabi karinba oo uu heshiisku ka dhaqaaqi waayey, tan iyo markii la saxiixay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sax dekadda Boosaaso heshiis ayey la gashay oo ku saleysanaa in ay ballaarin ku sameyso. Nasiib darro, heshiiskaas siddii la filayey uma uusan hirgelin. Caqabado laga garaabi karo iyo kuwa aan laga garaabi karinba waa ay jiraan,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Siciid Cabullaahi Maxamed (Deni).

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday caqabadaha qaar ee haatan hor gudban dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso oo uu ka mid yahay dilkii loo geystay Paul Anthony Farmosa oo ahaa maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda weyn ee DP World.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa tilmaamay in dilkii Paul oo reer Malta ahaa uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana la doonayey in lagu cuuryaamiyo horumarka dekedda.

“Kuwa ugu waaweyn ee laga garaabi karo mudadii aan joogney waxaa kamid ah dilkii maamulihii dekada Boosaaso oo nin ajnabi ah ahaa oo Paul la oran jiray ayaa argagixisadu ay dileen.

“Waxaan fileynaa in dilkiisu aanu argagixiso caadi ah aanu ahaynee oo uu ahaa dil qorsheysan oo assassination, oo loogu talagalay in lagu curyaamiyo dekada iyo qorsheyaasheeda, dabcan aad baan uga xunahay dadka ka shaqeynaya horumarka Puntland in ay waxyeeleeyaan, waana ka garaaneynaa arrintaasi, qofkasta oo wax garanaya waa garan karaa cidda howshaasi ay ka imaaneyso.” ayuu markale yiri Deni.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay lacagaha canshuuraha ee dhowaan lagu kordhiyey ganacsatada ku dhaqan deegaanada Puntland, isagoona tallaabada ay wado wasaaradda maaliyadda ku tilmaamay mid lagu kordhinayo dakhliga gudaha ee maamulkaasi.