Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, kuna amray inay sugaan gacan bir ahna ku qabtaan amniga magaalada.
Madaxweynaha ayaa waxa uu marka hore Saraakiisha Ciidmaada kaga mahadceliyay sida ay ugu hawlan yihiin suggida amniga iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanka.
Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ku ammaanay, sida ay uga shaqeeyeen hawlaha nabadgelyada la xiriirta, mudadii ay doorashooyinka ka socdeen Magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu warbixino ku aadana arrimaha amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Saraakiisha amray inay sii wadaan hawlaha shaqo, ee ay u hayaan bulshada reer Galmudug.








