DF Somalia oo raadineysa askar diiday in loo qaado Gedo kadibna baxsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay xaafadaha Muqdisho ka baadi goobeyso askar diiday in loo qaado gobolka Gedo, kadibna ka baxsaday xeryaha ciidamada, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Askartaan ayaa tiradooda lagu sheegay toddoba, waxayna la baxsadeen hubkii dowladda siisay, waxaana la la’yahay muddo 13 cisho ah.

Ciidankaan oo ka tirsan booliska Soomaaliya gaar ahaan Haramcad ayaa diiday in ay kamid noqdaan askarta loo qaaday Gobalka Gedo, waxayna sababta ku sheegeen dhowr qodob oo kala ah.

1) – In aysan degaanka aqoonin, awoodna u laheyn in ay kula dagaalaan rag xaafadaha kala yaqaana dadkoodiina u dagan yihiin.

2) – In aysan dowladda gobalkaas u diran boqolaal dhalinyaro ah oo u dhashay Gedo islamarkaana ku sugan Muqdisho, taasna ay u arkaan in naftooda halis la gelinayo.

3) – Iyo in aysan waalidoontooda ogoleen in loo qaado Gedo oo ay ku jirto xiisad dagaal, kaas oo sababi kara khasaaro badan.

Dhamaan askarta baxsatay ayaa ah isku beel, kana soo jeeda Muqdisho, waxayna ahaayeen wiilal aanan waligood Muqdisho ka bixin.

Dowladda ayaa la sheegay in ay la xariirtay odayaal dhaqameed markii hore damiintay ciidankaan kuwaas oo ka walaacsan xaaladda iyo sida ay ka yeeli doonaan kiiskaan.