Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Beled Xaawo ee ciidamada DF iyo Jubaland

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Dhiilo colaadeed ayaa waxaa weli laga soo sheegaya inay ka taagan tahay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, xilli kastana ay dhici karto inuu dagaal ku dhex maro dhinacyada isu haya.

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada gudaha iyo duleedka ee Degmada Beled Xaawo.

Ciidamada Dowladda ayaa fariisimo hor leh ka samaystay gudaha Degmada Beled Xaawo, wixii ka dambeeyay gacan ka hadalkii dhex maray iyaga iyo Ciidamada Jubbaland, maalintii shalay.

Wararka ayaa sheegaya in Degmada Beled Xaawo laga dareemayo saan-saan colaadeed, iyadoo ay dadka deegaanka qaarkood u horseedeen inay guryahooda isaga cararaan.

Cabdisalaan Maxamed Salaad oo ka mid ah dadka reer Beled Xaawo ayaa sheegay inay marxalad feejignaan ah ku jiraan Ciidamada Dowladda, halka Ciidamada Jubbaland ay iyaguna dhaqdhaqaaq ka samaynayan bannaanada hore ee Degmada Beled Xaawo.

“Qoladan ku sugan magaalada waxay qabaan cabsi ah in la soo weerari doono, feejignaan xoogan baa ka muuqata, qof u dhawaan karana lama arko. Qoladii kale waxay jooggaan magaalada afkeeda, markastana waad malayn kartaa inay wada dagaalamaan, saan saanteediina way muuqataa.” Ayuu yiri Cabdisalaan Maxamed Salaad.

Cabdisalaan Maxamed oo la hadlay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegay inay saaka xiran yihiin inta badan goobihii ganacsiga ee Degmada Beled Xaawo, dadka deegaankana ay isaga barakacayaan guryahooda.

“Inta badan goobaha ganacsiga way xiran yihiin, wixii ka dambeeyay shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada. Dhaqdhaqaaqa magaalada aad buu u xadidan yahay, dadkana barakac ayay ka wadaan magaalada. Shalay, xalay iyo saakaba way barakacayaan dadka.” Ayuu yiri Cabdisalaan Maxamed.

Masuuliyiinta Jubbaland ee ku sugan duleedka Degmada Beled Xaawo ayaa ku hanjabay inay iska difaaci doonaan Ciidamada Dowladda, ee lagu soo daabulay Gobolka Gedo.