Madaxweyne Shariif oo soo jeediyey hab lagu dhameyn karo xiisadda Tukaraq

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo maalmahaani arimo caafimaad u joogay dalka India ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaal dhiiga ku daatay ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo uu ku sifeeyay mid aan horay loo arag.

Waxa uu Shariif Sheekh Axmed, tilmaamay inaan loo dulqaadan Karin dagaalo soo laalaabtay oo lagu daadiyo dhiiga dhalinyaro Soomaaliyeed, iyadoo la helikara xalin.

Waxa uu intaa raaciyay in wax wanaagsan aysan aheyn iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiiggga qofka muslimka sooman.

Waxa uu Shariif Sheekh Axmed soo jeediyay in hakinta dagaalka ay si wada jira u gaaran Hogaamiyayaasha maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu sheegay in laga doonaayo inay eegan dhibta ay Shacabka ka dhexlayaan dagaalka.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabadeed uga jeediyo walaalaha Puntland iyo Somaliland, dagaalada ku soo laab laabtay Tukaraq darteeda, oo ay ku dhinteen dad badan, waxaan joognaa bil Ramadaan, waxaan naha dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.”

Sidoo kale, dagaalkan ayaa waxaa horay uga hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyadoo la fiirinaayo danaha shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalada kasoo yeeraaya madaxda ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Hogaamiyayaasha Puntland iyo Somaliland ay hawada isku marinayaan hanjabaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com