Mustaf Dhuxulow oo afur u sameeyey wariyeyaashii lacagta u ururiyey xidigaha

Xildhibaan Mustaf Shiikh Ali Dhuxuloow ayaa xalay Afur mahad celin ah u sameeyay guddigii CaawinQaran oo ahaa wariyaal is abaabulay oo lacago iyo abaalmarino kale u aruuriyay xulka 17 jirrada Somalia.

Afurka oo ka dhacay Hotel-ka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wariyaashii guddiga CaawinQaran, duqa Muqdisho Eng Yariisow, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qeybaha dhaqanka.

Wariyaashu waxey bogaadiyeen cid walba oo gacan ka geysatay lacag aruurintaan oo xildhibaan Mustaf uu ka mid ahaa, waxeyna ka sheekeyeen caqbadihii ay la kulmeen intii ay howsha wadeen.

“Waxaan la kulanay culeesyo badan, waxaan aragnay dad saacad walba naqdiya howshaan wanaagsan, laakiin mar walba waxaan noo muuqatay inaan ka dhabeyno arrintaan, waxeyna aheyd waajib nasaaran ayuu yiri Burhaan Diini Faarax agaasimaha Radio Kulmiye oo ka tirsanaa guddiga CaawinQaran.

“Waxaa farxad ii ah inaan arko saxafiyiin ama dhallinyaro Soomaaliyeed oo dan guud isugu timid hadanna ka dhabeeyay, waxaan jecleystay inaan idin kaga mahad celiyo dadaalkiina iyo inaan idiin muujiyo kaalinta aad dalkaan ku lee dihiin, waxaan ku baaqaya in aadan kala tagin oo aad mar walba bulshada caawiseen ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow.

Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wariyaashu ay is badal dhab ah muujiyeen uuna bogaadinaayo, isagoo ka codsaday saxafiyiinta iney ka qeyb qaataan howlaha kale ee dalka.

Kulanka ayaa u badnaa isu mahad celin, is bogaadin iyo dar daaran.