Dhageyso: Guddoomiyihii maxkamadda sare oo qaadacay xil ka qaadistiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in qaab khaldan loo maray xil ka qaadista lagu sameeyay ee xilka loogu magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Somalia, isla markaana aysan sharciga waafaqsaneyn xil-ka qaadistiisa.

Waxa uu Ibraahim Iidle sheegay in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, garsoorkana uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda.

Ibraahim waxa uu sidoo kale sheegay in xil ka qaadistiisa aanan loo marin sifo sharci ah, sidaasi darteedna uu wadan doono shaqadiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa yiri ‘’Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay isugu dambeysay Khamiistii oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in inuu shaqada ay sideeda ku socon doonto.

‘’Guddoomiyaha saxda ah waa aniga maadaama qaab khaldan loo maray xil ka qaadisteyda waxaan shacabka ugu baaqayaa inay sii wataan shaqooyinka uga xiran Xafiiskeyga’’

Sidoo kale, diidmada xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa muujin karta inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista Ibraahim Iidle ayaa timid kadib markii Madaxweynaha dalka uu raacay tallo soo jeedin iyo tixgalinta cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com