Madaxweyne Sheekh Shariif oo fariin u diray dowladda, Jubaland iyo K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano hoostaga maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Ugu horreyn Sheekh ayaa baaq u diray beelaha diriraya, isaga oo ka dalbaday inay dagaalka ku joojiyaan si shuruud la’aan ah.

“Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo”ayuu yiri madaxweyhne hore Sheekh Shariif Seekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay u istaagaan joojinta colaadahaasi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dhankooda gacan ka geysan doonaan, sidii loo xalin lahaa xiisadahaasi.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran, Mudane Sheekh Shariif.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil waxa ay ka soo cusboonaadeen degmada Wanlaweyn iyo duleedka Kismaayo.