Jubaland oo ciidamo badan geysay duleedka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in ciidamo ay kala dhex-dhigeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose.

Cabdinuur oo la hadlayey warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadaasi oo isugu jira Boolis iyo Milatari ay geeyeen deegaanada Fuuma Dalsan iyo Kooyaame, si ay u kala qaadaan maleeshiyaadka beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu xalinayo xiisadahaasi, si looga baaqsado dagaallo kale.

Afhayeenka oo sii hadlayey ayaa ka dalbaday maleeshiyaadka labada dhinac inay soo dhoweeyaan dadaalladaan oo muhiim ah in nabad laga gaaro colaadahaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ku baaqay in su deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka soo cusboonaaday duleedka Kismaayo.

Dagaalladdii ugu dambeeyey ee dhex-maray labada beel ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen ku dhowaad 30 ruux oo u badan dhinacyada ay dirirtu u dhexeyso.