Daawo: Saciid Deni oo hal arrin ku amaanay Qoor Qoor kana hadlay arimo kale

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa khudbad uu uga hadlayey arrimo dhowr ah oo xaaladda dalka ku saabsan ka jeediyey magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntalnd.

Deni ayaa ugu horeyn balan qaaday in si joogta ah bil kasta Isniinta u horeysa uu ula hadli doono dadka, isla markaana uu ka warbixin doono xaaladaha guud ee maamulka uu hoggaamiyo iyo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Deni ayaa qeybaha hore ee khudbadiisa uga hadlay, saameynta cudurka Coronavirus ee dunida, gaar ahaan tan uu ku yeeshay dalka, isagoo tacsi u diray dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ugu geeriyooday cudurkaas.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa aad u bogaadiyey dadaaladda socda ee lagu qaboojinayo siyaasadda Galmudug, isagoo si weyn ugu amaanay madaxweynaha cusub Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

“Waa arin lagu farxo in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf uu maanta tegay Dhuusamareeb, isla markaana uu diyaar u yahay in dhismaha maamulkaas uu qeyb ka qaato, waxaan uga mahad celinayaa madaxweyne Qoor-Qoor samirka iyo dadaalka uu u sameeyey sidii uu dib u heshiisiin u abuuri lahaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Saciid Deni oo  sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaa muuqata markii Galmudug loo madax baneeyey siyaasadeeda , oo ay dowladda dhexe wakhti siisoo faraha ay kala baxday, inay arrimahoodii xallisteen, waana arin lagu farxo oo aan ku bogaadineyno, degaan kasta dadkiisu inay arrimahooda xallistaan, oo sidaas looga gudbo khilaaf walba”.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadallo u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka socda garabka la magac baxay, isbedel doonka Jubbaland oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan kale oo bogaadinayaa dadaallada iyo wadahadalka ka socda Nairobi ee u dhaxeeya Madaxweyne Axmed Madoobe, Xidig, Seeraar iyo Sheekh Daahir, oo iyagana khilaaf kasoo bilaawday doorashadii ka dhacday Jubbaland uu mudo soo dhex yaalay, waxaan ku faraxsanahay inay garteen inay ka wada hadlaan arrimahooda oo ay xalliyaan, waxaana runtii ka war qabaa in uu gaba-gaba yahay wadahadalkoodu xal waarana ay ka gaari doonaan khilaafka dhex yaalla” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Halkan ka Daawo khudbadda Deni oo dhameystiran