Somaliland oo sheegtay in ay soo iibsaneyso mashiinka lagu baadho Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay inay soo iibsaneyso Mashiinka lagu baadho cudurka Coronavirus ee loo yaqaano (PCR), maadama dhowaan deegaanadeeda laga helay dad qaba cudurkaasi.

Guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa sidoo kale ka warbixiyey dadaalada kala duwan ee ay uga hortagayaan cudurkaasi, iyagoona shaaciyay dad cusub oo xanuunkaasi looga shikiyey.

Guddiga ayaa xusay in dad ku dhow labaatan qof laga qaaday dhiigagii iyo dheecaanadii, kuwaasi oo loo diray dalka dibadiisa si loo soo xaqiijiyo inay qabaan cudurkaasi iyo inkale.

Sidoo kale waxa ay guddigu sheegen in deegaanadeeda oo dhan u dirayaan 186 hawl-wadeen oo wata 62-gaari, kuwaasi oo hubinaya bad-qabka bulshada, isla markaana ka qeyb noqonaya dadaalada ay uga hortagayaan inuu faafo cudurkaasi.

Somaliland ayaa dhowaan xaqiijisay Labo qof oo qaba cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Berbera iyo Burco, inkasta oo laga cabsi qabo inay jiraan Kiisas kale oo la xiriira cudurkaasi.