29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo farriin u Raila Odinga iyo taageerayaashiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay doorashooyinka ka dhacay dalka Kenya iyo rabshadaha ka socda qeybo kamid ah Gobolada dalka.

Uhuru Kenyatta, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dhinacyada kula tartamaaya codadka ay u hogaansamaan nidaamka ay ku socto tirinta codadka.

Waxa uu Uhuru Kenyatta tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu u hogaansami doono natiijada kasoo baxda doorashada, si taa lamid ahna musharaxiinta kale looga doonaayo inay u hogaansamaan natiijada.

Uhuru Kenyatta, waxa uu cadeeyay inaan loo dulqaadan doonin musharax ama kooxo gaara oo qalqal amni galiya dalka xili ay dadku yihiin kuwo sugaaya natiijada.

Uhuru Kenyatta, waxa uu soo hadalqaaday haddalkii kasoo yeeray hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ee ahaa in la jabsaday habka electaroonika ee guddiga, kadibna lagu shubtey codadka.

Kenyatta waxa uu sheegay in dhinacyada tartanka kula jira laga doonaayo inay la imaadan xasilooni si looga shaki bixiyo tuhunka ay ka muujinayaan doorashada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegey in natiijada kama dambeysta ah lagu shaacin doono muddo 7 maalmood ah.

Geesta kale, dowlada Kenya ayaa taageerayaasha Raila Odinga uga digtay inay carqaladeeyan amniga,cidii loo qabto amni darro ay noqon doonto mid lala xisaabtamo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News