Madaxweyne Xasan iyo William Ruto oo yeeshay wada-hadalladii ugu horreeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Ruto iyo ku-xigeenkiisa Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas, isaga oo ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, wuxuuna tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasiloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la-dagaallanka argagixisada, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa shalay ku guuleystay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday 9-kii August 2022, sida uu shaaciyay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada iyo Xuduudaha (IEBC)

Ruto ayaa si dirqi ah kaga adkaaday ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, oo markii shanaad ku guuldarreystay doorasho madaxweyne oo uu u tartamay.

Natiijada rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa muujisay in Ruto uu helay 50.49 boqolkiiba codadkii la tiray oo ah 7,176 141 cod, halka Odinga uu ka helay 48.85 boqolkiiba oo ah 6,942, 930 cod.